Qarax ismiidaamin ah oo lagu weerraray maqaayad kutaala degmada Boondheere

 

Axad, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Qarax ismiidaamin ah oo loo maleynayo in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa goor dhoweyd oo caawa ah lala beegsaday maqaayadda lagu magacaabo Top Coffee ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

newsinsideWarar kale waxay sheegayaan in qof isisoo miidaamiyay uu isku qarxiyay maqaayadda.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse waxaa socda gurmadyo kala duwan.

Xilliga uu qaraxu dhacayay waxaa la sheegay in goobta lagu daawanayay Cayaarta Spain iyo England ee kulanka kama dambeysta tartanka Euro 2024.

Wixii soo kordha kula socda wararkeenna dambe.