4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2024
Wasiir Kaahin: Xasan Sheekh Aljazeera wuxuu u sheegay in aanu diidanayn in Itoobiya marin biyood hesho
 

Arbaco, January, 31, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu buuq badan ka abuuray gobolka, isla markaana uu ka cadhaysiiyay dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlayay shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada ayaa sheegay in heshiisku uu buuq badan dhaliyay.

"Heshiiskii madaxweynuhu uu lasoo sameeyay  Itoobiya, buuq fara badan iyo dareen fara badan ayuu ka dhaliyay adduunyada oo dhan, dowladii Soomaaliyana waxay ku noqotay waali, maskaxda kala goysa" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu markii hore dadka ku kiciyay in la badbaadinayo bad Soomaaliyeed, lakiin markii dambe uu Aljazeera u sheegay in aanu diidanayn in Itoobiya bad hesho lakiin uu rabo uun in ay dowlada Soomaaliya soo marto.

"Waxa uu TVga Aljazeera usheegay in aanu diidanayn in Itoobiya hesho marin biyood, lakiin ay diidanyihiin dariiqa ay Itoobiya u martay raadinta badda" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.