4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2024
Mareykanka oo markale si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ku sameysay Soomaaliya
 

Arbaco, January, 31, 2024 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay markale iney kala mideysan tahay Urur goboleedka IGAD, hay'addaha Caalamiga iyo bahwadaagta kale ee Qaaradda Afrika in lama taabtaan tahay Qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibbada u qaabilsan arrimaha Afrika Molly Phee ayaa sheegtay inuu caqabad noqon karo heshiiskii is afgarad ee Itoobiya dhawaan la gashay Somaliland.

“Waxaan qabnaa walaaca ah in is afgaradka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgankeena wadajirka ah kaasoo ay ku jirto kaalinta Itoobiya ee sanadihii la soo dhaafay ee aadanaa la dagaalanka argagixisada” ayay tiri Molly Phee Kaaliya Xoghayaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika.

Dowladda Maraykanka waxay sidoo kale sheegay inay taageersantahay wadahadalada u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ku aadan mustaqbalka arrimaha Soomaaliya.

Warkaan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saacado kooban ka hor ay dowladda Itoobiya ka dalbatay Urur goboleedka IGAD kulan looga hadlayo xiisada ka dhalatay heshiiskii ay la gashay Somaliland.