4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2024
Golayaasha Wakiilda iyo Guurtida Somaliland oo go'aan ka soo saaray xeerka doorashooyinka
 

Arbaco, January, 31, 2024 (HOL) - Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ee Somaliland ayaa go'aan ka gaadhay sida loo ansixinayo xeerka doorashooyinka ee xeer Lr 91.

Waxay ku heshiiyeen in Golaha Guurtidu uu xeerka dib ugu celiyo madaxweyne Biixi, in madaxweyne Biixi, dib ugu soo celiyo Golaha Wakiillada, wakiiladuna ay u sii gudbiyaan golaha guurtida, guurtiduna ay dib ugu soo celiyaan Golaha Wakiillada kadibna madaxweynaha loo gudbiyo iyo  in aan Golaha Guurtidu fasax gelin muddada hawsha lagu dhammaynayo.

Madaxweynaya Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xeerka doorashooyinka dhawaan dib ugu soo celiyay Golaha Guurtida Somaliland kadib markii, ay labada gole isku diideen qodobo kamid ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu hore ugu taliyay in xeerka doorashooyinka ay marka hore labada gole ee sharci dajintu ku heshiiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu saxeexi doono xeerka oo uu meel marin doono kadib marka ay golayaashu ku heshiiyaan ee dastuurkana loo eego.

Hoos ka akhriso qoraal ay si wada jir ah usoo saareen Golayaasha Baarlaanka Somaliland:-