4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2024
NISA oo soo shaacisay magacyada horjoogayaal katirsan Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Buq-aqable
 

Arbaco, January, 31, 2024 (HOL) - Hawlgal ay iska kaashadeen hay’adda nabad sugidda ee NISA iyo Saaxiibada caalamka ayaa laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo la sheegay in lagu soo afjaray nolosha 6 horjooge oo katirsan Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in horjoogayaashan ay Alshabaab muddo dheer u qaabilsanaayeen uruurinta Baadda laga qaado shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan oo la fuliyay 28kii bishaan ayaa NISA waxay soo bandhigtay magacyada horjoogayaasha Alshabaab ee lagu qaarijiyay howgalka ay iskaashadeen saaxiibada shisheeye.

Hay'adda NISA waxay sheegtay horjoogayaasha la beegsaday in muddo dheer lagu raad joogay, iyagoo lagu eedeeyay inay dhibaato xooggan ku hayeen dadka shacabka gobolka Hiiraan.

Halkaan ka akhriso magacyada horjoogayaasha Shabaab ee howlgalka lagu qaarijiyay.