4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 31, 2024
Cumar Cabdirashiid "Shacabka Soomaaliyeed diyaar ha u ahaadaan dagaal uu kusoo dhiiran karo Abiy Axmed"
 

Arbaco, January, 31, 2024 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney u diyaar garoobaan dagaal uu ku dhiiran karo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siinaayay Hanoolaato ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay difaac xoog leh ka galaan damaca Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, islamarkaana Abiy Axmed uu yahay nin wax walba ay ka suurtoobaan.

“Abiy Axmed isaga oo Addis Ababa qarka loo taagan yahay ayaa ka shaqaynaya kala qaybinta ama kala goynta Soomaaliya, waxa aan qabaa in aan la yaraysan waayo wax badan ayuu ku dhiirran karaa sida in uu dagaal soo qaado marka waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado” ayui yiri Cumar Cabdirashiid Cali.

Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD ineysan aqbalin codsi uu u dirsaday Abiy Axmed.

"Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sababtay damaciisa ku aadan helitaanka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa" ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Dowladda Itoobiya ayaa billowgii bishaan Janaayo heshiis kula gashay magaalada Addis Ababa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, taas badalkeedana Itoobiya Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan, hayeshee Itoobiya ayaa damacaasi kala kulantay waji gabax noocii ugu xumaa.