4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2024
Deni oo sheegay inuu Garowe uu dhigay gogol looga tashanayo marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya
 

Talaado, January, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu magaalada Garowe dhigay gogol looga tashanayo marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kasoo qeyb galayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Xasan Sheikh uu aqbalay kasoo qeyb galka gogoshaan, isagoo sheegay inuu rajeynayo in gogashaas ay kasoo baxaan waxyaabo miro dhal ah oo looga gudbo arrimaha dalka kusoo wajahan.

Deni wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay diyaarinayso ajandihii gogashaas loooga arrinsan lahaa.

Wuxuu sheegay, dhawaan shir ay Garowe ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada iyo raysal wasaarayaashii hore ee dalka in la isku waafaqay in marxaladaha dalku marayo looga gudbo sida wadajir ah.

Madaxweyne Deni oo dhawaan dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland ayaa hoos u dhigay khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka.

Wuxuu haataan u muuqda mid ka shaqeynaya in heshiis siyaasadeed laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.