4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2024
NISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad dadka ku cabsi galin jirtay Baraha Bulshada
 

Talaado, January, 30, 2024 (HOL) - Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta shaacisay iney gacanta kusoo dhigtay koox ay sheegtay in dadka shacabka ah ku cabsi galin jirtay baraha Bulshada ee Internetka.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in xayiraad la saaray Group-yo lambaro gaaraya 2,500, islamarkaana laga mamnuucay gabi ahaan iney isticmaalaan adeega ku hadalka OTT ee WhtasApp iyo wixii la mid ah.

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Group-yadaan ay ahayeen kuwa baad looga qaadan jiray ganacsatada Soonaaliyeed oo ay lahayeen kooxda Al-shabaab.

“Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay'adda NISA ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay iney xubin ka noqdaan Group-yo, Channels ama Pages ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay NISA:-