4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2024
Burcad badeedda Soomaalida oo xoog looga furtay 17 badmaaxayiin ah oo u dhashay Pakistan
 

Talaado, January, 30, 2024 (HOL) - Ciidamada Badda Hindiya ayaa soo badbaadiyay 19 badmaaxiyiin ah oo u dhashay dalka Pakistan, kadib markii markab ay wateen oo kalluumeysi ay kooxaha burcad badeedda Soomaalidu ka afduubteen xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ahaa kii labaad oo muddo 36 saacadood gudahood ah uu ku guulaysto markabka dagaalka ee Hindiya INS Sumitra.

Maalin ka hor, markabkan ayaa soo badbaadiyay 17-shaqaale oo Iraniyiin ah oo la socday doon ay sidoo kale afduubteen burcad badeedda, sida ay sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka jawaabayay baaqyo dhowr ah oo ka soo yeerayay maraakiibta iyo badmaaxiinta.

Weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac laga qabo in burcadbadeeddu ay mar kale dhaqdhaqaaq ka sameeyaan gobolka.

Markabka INS Sumitra ayaa loo daabulay hawlgalo lagu sugayo amniga badda xeebaha bari ee Soomaaliya iyo gacanka cadmeed.

Sawirro la soo geliyay barta Twitterka ayaa muujinaya ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa badda Hindiya oo ilaalinaya rag gacmaha ka xiran oo loo maleynayo inay katirsan yihiin kooxaha burcad badeedda.

Sabtidii, ciidamada difaaca ee Seychelles ayaa soo badbaadiyay lix kalluumaysato ah oo u dhashay Sri Lanka ka dib markii la afduubtay markab ay wateen.

Warbixin ay soo saartay Bloomberg ayaa lagu sheegay in kororka burcad badeeda Soomaalida ay la xiriirto khalkhal galinta amniga badda, iyadoo ay sabab u tahay weerarada isdaba joogga ah oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiib marayay badda cas iyagoo taageero ka helaya Iran.