4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2024
Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in ay Roma ku kulmayaan Xasan Sheikh iyo Abiy Axmed
 

Talaado, January, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku celceliyay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin wadahadal dhex dhexaadin ah oo lala yeesho Itoobiya, ilaa Addis Ababa ay ka noqoto heshiiska muranka badan dhaliyay oo ay la gashay Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed ayaa labaduba ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka Talyaaniga iyo Afrika.

Warar baraha internetka lagu baahiyay ayaa sheegayay in ay Roma ku kulmayaan madaxweyne Xasan Sheikh iyo raysal wasaaare Abiy Axmed, si ay uga wada hadlaan xiisada ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Balse Villa Somalia ayaa ku adkeysaneysa in labada dhinac aysan Roma ku yeelan doonin wax wada-hadal ah oo macno leh ilaa inta heshiiska is-fahamka si rasmi ah loo saxiixo in ay Itoobiya ka baxday.

“Mawqifkani waxa uu waafaqsan yahay mawqifkayaga ah in aanay jirin meel dhex dhexaadin ah haddii aanay Itoobiya ka noqon heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka,” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay is afgaradka ay la saxiixdeen Somaliland in uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin dawlad kasta. Waxay ku eedeeyeen beesha caalamka inay faragelin ku hayaan arrimahooda gudaha. Itoobiya waxay ku adkaysatay heshiisku inuu yahay waajib.