4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2024
Duqeyn lagu dilay horjooge Ajinabi ah oo ka dhacday gobolka Mudug
 

Talaado, January, 30, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Jeex jeexa ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaankaas.

Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa la sheegay in lagu dilay horjooge Ajinabi ah oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanada maamulka Galmudug.

"Howlgalkan guulaystay ayaa waxaa lagu dilay horjooge ajaanib ah oo la sheegay inuu ka soo jeedo dalka lubnan kaasoo khawaarijta arxanka daran u qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada ay doonayaan ineey qaladaan si ay ugu shubaan dabka iyo qaxarka ay ku jiraan ee gobolada Mudug iyo Gal-guduud" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka.

Warka kasoo baxay taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talo galay, islamarkaanka lagu guuleystay.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka ee ka taageera dowladda Fedaraalka duqeymaha dhinaca cirka ah ayaa kordhiyay maalmahii lasoo dhaafay duqeymaha cirka ah oo ay ka fulinayaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Duqeyntaan lagu dilay horjoogaha Ajinabiga ayaa noqoneysa duqeyntii afaraad oo mudo 10 cisho gudahood ah lala eegto goobo kala duwan oo ay ku sugnayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku yaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.