4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2024
Madaxweyne Sheikh oo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay wax ku biiriso suuqyada caalamka
 

Talaado, January, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedinayey shir madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika, ayaa ka hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo doorka wax ku oolka ah ee ay ku yeelanayaan dhaqdhaqaaqyada gobolka iyo caalamka.

Madaxweyne Maxamuud ayaa khudbadiisa ku sheegay fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ka jira Soomaaliya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si macno leh wax ugu biirin karo suuqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Mawduuca udub-dhexaadka u ahaa khudbadda Madaxweynaha ayaa ahaa muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee ku salaysan ixtiraamka labada dhinac ee sharciga, iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Madaxweyne Maxamuud ayaa xoojiyay go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan mabaadi’da aasaasiga ah. Isagoo hoosta ka xarriiqay doorka weyn ee Afrika ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo kobaca Yurub.

Gabagabadii, Madaxweyne Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay in iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo sharci. Waxa uu ka digay in ficilada ku xad gudba mabaadi'dan, sida ku-darsashada dhulka, aysan kaliya wiiqi doonin iskaashiga balse ay sidoo kale khatar ku yihiin xasilloonida iyo horumarka gobolka.