4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2024
Hirshabeelle oo Al-shabaab ku eedeysay dagaal beeleed ka socda xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Talaado, January, 30, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in dagaal beeleedka ka socda xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iney hurinayaan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in dagaalka u dhaxeeya beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee maalmahii lasoo dhaafay ka socday deegaanka Iji iney ka dambeeyaan Al-shabaab.

“Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Karoore.

Wasiir Karoore ayaa sidoo kale tilmaamay in u jeedka kooxda Al-shabaab uu yahay ka shaqeynta isku dirka dadka deriska ah si looga mashquulo howlgalada iyaga ka dhanka ah.

“Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waana ka hortagaynaa, dhammaanteenana waan ka wada shaqeynaynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore.

Wuxuu sidoo kale uu sheegay Wasiir Karoore in ka maamul ahaan ay haatan wadaan dadaalo lagu heshiisiinaayo beelaha walaalaha ah oo ay qayb ka yihiin odayaasha iyo waxgaradka ee labada gobol ee kasoo jeeda beelaha dagaalamaya.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudo dhowr jeer ah uu ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe dagaal beeleed geystay khasaaraha dhimasho gaareysa ku dhawaad 10 ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawac intaas ka badan, islamarkaana wali labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobahii ay ku dagaalameen.