4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2024
Xulka Galmudug oo ku guuleysatay koobka kubadda Cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir
 

Isniin, January, 29, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaartii Finalka aheyd ee tartanka koobka kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug.

Kulankaan Finalka ahaa ayaa waqtigii loogu talo galay ciyaarta ee 90-ka daqiiqo ahaa waxa uu kusoo dhamaaday barbar dhac 0-0 ah, waxaana loo gudbay rigooreyaal ama gool ku laad oo ay guusha ku raacday xulka kubadda Cagta Galmudug oo sidaas ku qaaday koobkii kubadda Cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ciyaarta Galabta dhexmartay Xulalka Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa aheyd mid aad u xiiso badan oo ay u soo daawasho tageen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho.

Xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ee galabta wada ciyaaray kulankii ugu dambeeyay tartankaan ayaa ahaa kuwii lagu furay bilawgii tartankaan, waxaana kulankaas ay kusoo kala baxeen isla sidan oo kale bar bar dhac.

Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug ayaa haatan waxaa ka socda dabaal degyo waa weyn oo ay sameynayaan taageerayaasha xulka kubadda Cagta Galmudug oo ugu dambeyn Galabta ku guuleystay koobkii tartanka kubadda Cagta maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo tan iyo bishii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.