4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2024
Markab dagaal oo soo badbaadiyay kalluumeysato u afduubnaa burcad badeedda Soomaalida
 

Isniin, January, 29, 2024 (HOL) - INS Sumitra, oo ah markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya, ayaa soo badbaadiyay kalluumaysato ay afduub u haysteen burcad badeedda Soomaalida.

Sida ay saraakiishu sheegeen, 17 shaqaale oo la socday doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran, ayaa lagasoo badbaadiyay afduubka burcad-badeedda.

Burcadbadeeda ayaa si xoog ah u fuulay doonta kalluumeysi oo uu ka babanayay calanka dalka Iran, waxayna afduub ahaan u hayteen shaqaalihii la socday.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in burcad badeedda lagu qasbay inay siidaayaan shaqaalihii doonta.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in maraakiibtooda la geeyay gobolka badweynta Hindiya, si ay u muujiyaan sida ay uga go'an tahay badqabka dhammaan badmaaxiinta.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada badda Hindiya ay soo furtaan doonyo kalluumeysi oo ay bartilmaameedsadeen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

5-tii Janaayo, Markabka INS Chennai ayaa ku guulaystay inuu soo badbaadiyo shaqaalihii la socday markab marayay xeebaha Soomaaliya waxayna soo badbaadiyeen dhammaan 15 qof oo Hindi ah oo la socday markabkaasi.