4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2024
Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Maanta la ciyaarayo
 

Isniin, January, 29, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta oo Isniin ah lasoo gabagabeynayaa tartanka ciyaaraha kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ay Galabta wada ciyaari doonaan xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle.

Ciyaarta Finalka ah ee Galabta ku dhexmari doonta garoonka kubadda Cagta Muqdisho kooxaha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ah mid xiiso gaar ah xambaarsan oo si weyn looga dareemayo u diyaar garowga daawashadeeda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa wareegii afar dhamaadka tartankaan usoo kala awood sheegtay xulalka Banaadir iyo Jubbaland.

Labada xul ee ku balansan Galabta ciyaarta Finalka ah ee Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa tartankaan inta uu socday horay u soo wada ciyaaray, kulankii furitaanka tartankan oo ay ku soo kala baxeen barbar dhac 1-1 ah, waxaana ay ugu dambayn markale nasiib u yeesheen iney wada ciyaaraan kulanka lagu soo xeriyo koobkaan.

Garoonka Cayaaraha Muqdisho iyo inta badan degmooyinka Muqdisho waxaa haatan laga dareemaya oo lagu arkaya dhaqdhaqaaq ay wadaan taageerayaasha labada kooxood oo kala sita calamada labada maamul goboleed.

Amaanka guud ee wadooyinka soo gala garoonka kubadda Cagta Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay maanta waxaana halkaasi ku sugan ciidamo aad u farbadan oo sugaya amniga, waxaana la filaya in Ciyaartaan galabta ay ka qeyb galaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda.

Baraha Bulshada waxaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn u qabsaday xifaaltan dhinaca taageerayaasha labada maamul goboleed ee Hirshabeelle iyo Galmudug oo dhinac walba uu isku lahay siinayo libinta ciyaarta kama dambeysta ah, maadaama labadooda midkood uusan horay ugu guulaysan koobkaan.