4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2024
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Isniin, January, 29, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan ay ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loola eegtay gaari ay saarnayeen xubno isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.

"Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan. Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal Khawaarij ah oo aad loo doon doonayay" ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Warka laguma sheegin tirada rasmiga ah ee Al-shabaab looga dilay howlgalkaan laga fuliyay deegaanka Buq aqbale ee gobolka Hiiraan.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Howlgal noocaan oo kale ah ay deegaanka Buq aqable ay ka fuliyeen ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka, kaasoo lagu beegsaday guri ay daganayeen xubno ka tirsan Shabaab iyo Garaash ay kasoo abaabuli jireen weerarada qaraxyada ah.