4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2024
Golaha Ammaanka oo lagu wado inuu kulan degdeg ah ka yeesho xiisadaha Soomaaliya iyo Itoobiya
 

Isniin, January, 29, 2024 (HOL) - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu qabto kulan degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha xaaladda Geeska Afrika.

Kulankan ayaa daba socda xiisadaha sii kordhaya ee ka dhashay heshiiska dowladda Ethiopia ay la gashay maamulka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ethiopia inay ku xad-gudubtayy madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo khatar ku ah sida ay Soomaaliya sheegtay xasiloonida gobolka geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan golaha ammaanka ugu baaqay inay kulan ka yeeshaan oo ay ka hor yimaadaan xad gudubka Ethiopia ku sameysay madax bannaanida jamhuuriyadda Soomaaliya.

Si kastaba ahaatee, Ururada caalamiga ah sida Midowga Yurub (EU) wuxuu horey ugu baaqay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta ayaa iyaguna aragtiyo isku mid ah ka dhiibtay, iyagoo sheegay in loo baahan yahay 'in la dhowro qawaaniinta iyo mabaadi'da xiriirka deris wanaagga' iyo 'in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka dariska ah.