4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2024
Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo raali gelin ka bixiyay hadal gef ku ah Soomaaliya
 

Isniin, January, 29, 2024 (HOL) - Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Muqtaar Maxamed Waare, ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu warbaahinta ka sheegay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo in xilka looga qaado hadalkaas.

Sida ay tebisay warbaahinta gudaha Ethiopia, Ambassador Waare ayaa Soomaaliya ku tilmaamay qaran ay abuureen gumeystayaal, Somaliland na ay tahay dal madax-banaan oo leh awood rasmi ah iyo sharci labadaba si ay u saxiixdo heshiisyada caalamiga ah”.

Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in hadaladiisa ay ahaayeen kuwo la marin habaabiyay, oo aan marnaba loogu talagalin inay waxyeeleeyaan xiriirka labada dal.

“Waxaan si kal iyo laab ah u raali gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Erayadayda waala marin habaabiyay, weligayna uma aan jeedin inaan waxyeello xiriirkayaga. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an in aan safiir ahaan si hagar la’aan ah uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha aan walaalaha nahay si loo xoojiyo iskaashiga.” ayuu yiri safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dhawaan waxay heshiis is afgarad ah (MoU) la saxeexatay maamulka Somaliland kaas oo Itoobiya u ogolaan doona inay galaan Gacanka Cadmeed si ay Itoobiya u aqoonsato madax-banaanida Somaliland, sid ay sheegeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa saxiixay sharci lagu baabi’inayo heshiiskii is-afgaradka ahaa, isagoo sheegay in sharcigan uu xoojin doono go’aanka dowladda ee ah ilaalinta midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka sida uu qabo sharciga caalamiga ah.