4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2024
Raysal Wasaare Xamse oo Muqdisho ka daah furay Mashruuc ku baxeyso 40 Milyan oo dollar
 

Axad, January, 28, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta daah furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka, kaasoo ay Soomaaliya ka hirgelineyso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka.

Masharuucaan uu maanta Raysal wasaare Xamse ka daah furay Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay mashruuc ay ku baxeyso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Mashruucaan ayaa Raysal wasaaraha waxa uu sheegay inuu yahay mid wax weyn ka badali doona baahida adeegyada bulshada aasaasiga ah ee ka jira gudaha Soomaaliya.

La taliyaha Boqorka dalka Sacuudiga ahna Kormeeraha guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica oo goobjoog ka ahaa daahfurka Mashruucaan ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay taageerada ay u sameynayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Raysal wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada dalka Sucuudiga garab istaagga iyo taageerada kala duwan oo ay mar walba siiso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in talaabadan ay tahay mid sii xoojinaysa xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal iyo shacabkooda.