4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2024
Xildhibaan Ilhaan Cumar "Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadan karaan"
 

Axad, January, 28, 2024 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso iney ku hesho qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya.

Ilhaan Cumar oo ka hadleysay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa sheegtay inaan la iska qaadan karin Biyaha Soomaaliya oo aysan marnaba suurtagal noqon karin.

“Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan. Wadanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale iney anaga na dhacaan, marka taas ka seexda” ayay tjri Xildhibaam Ilhaan Cumar.

Waxay sidoo kale sheegtay xildhibaan Ilhaan Cumar in Soomaaliya ay Wakiil u tahay, islamarkaana ay la socoto wax walba oo dhacaya.

"Dad badan ayaa isoo wacay oo igu laha maad ka hadashid xadgudubka Itoobiya oo Mareykanka kala hadashid, anaga Soomaali ayaa nahay way dhici karta dhexdeena inaan marka qaar is xagxagano laakin waan u midowna waxyaabahaan oo kale" ayay tiri Ilhaan Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka adag ee uu qaatay iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in si wadajir ah ugu kacaan difaac qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Gabagabadii hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa kusoo beegmaya, xili inta badan dalalka Caalamka si weyn uga soo horjeesteen heshiis bilowgii bishaan Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo ahaa in Itoobiya ay hesho 20 KM oo ka mid ah Biyaha Soomaaliya, taas badalkeedana ay Itoobiya Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.