4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Talyaaniga uga qeyb galaya shirka ITaly iyo Afrika
 

Axad, January, 28, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray dalka Talyaaniga, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika oo socon doona 28-kii iyo 29-kii bishan Janaayo.

Ujeedada shirka ayaa ah in lagu soo bandhigo qorshaha istiraatijiyadeed ee Talyaaniga kaas oo ujeedkiisu yahay in dib u eegis lagu sameeyo habka uu dalkaas u wajahayo qaaradda Afrika.

Talyaanigu waxa uu la wareegi doonaa hoggaanka kooxda todobada ah (G7) sanadkan 2024 waxa uuna ballan qaaday in uu Africa ka dhigi doono hal ku dhig inta uu hogaanka hayo.

"Haddii aan rabno in aan ka shaqeyno istaraatiijiyad isu keenta danaha Afrika iyo Yurub, hal tusaale waa tamarta, sababtoo ah Afrika waa wax soo saar weyn oo tamar ah, Yurubna waxay leedahay dhibaato sahayda tamarta," ayay tiri Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloniintii intii lagu jiray shir jaraa'id iyadoo ku baaqaysay in la maalgashado Afrika.

Shirka Talyaaniga iyo Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa qorshaha iskaashiga tamarta oo Talyaanigu doonayo inuu u soo bandhigo waddamada Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto.