4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2024
Weerar lagu laayay dad isku qoys ahaa oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Axad, January, 28, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Galbeedka deegaanka Saaxo dad isku qoys ahaa.

Dadkaan isku qoyska ahaa ee la dilay ayaa ah shan ruux oo isugu jiray dad waa weyn iyo caruur, waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 6 ruux oo kale oo isla qoyska ahaa.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka lagu laayay dadkan isku qoyska ahaa, isagoona tacsi u diray guud ahaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarkan oo lala xariiriyay aargoosi aano qabiil.

“Waxa xanuunka leh labada arrimood weeye mar waa hal qoys dadka halkaas lagu laayay 11 qof oo isku guri ah ayay ahaayeen 5 waa dhimatay nin iyo xaaskiis, walaashiis, wiil uu abti u yahay iyo wiil kale oo uu adeer u yahay. Lixda kale waa dhaawac waa caa’ilada hoose gaari ayay saarnaayeen, waana arrin naxdin leh" ayuu yiri Gudoomiye Faysal Sheekh Cali.

Kooxda hubeysneyd ee geystay dilka dadkaan kasoo jeeday halka qoys ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta.

Dilalka iyo weerarada noocaan oo kale ah ee la xariira aanooyinka qabiil ayaa had iyo jeer ku soo laalaabta deegaanada ka tirsan gobolka Mudug, kuwaas oo ay geystaan kooxo hubeysan oo kasoo kala jeeda deegaanada maamulada Galmudug iyo Puntland.