4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2024
Faahfaahino dheereed ah oo laga helay nin Xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho
 

Axad, January, 28, 2024 (HOL) - Dadka ku nool degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn u hadal haayo dhacdadaan naxdinta badan oo uu ninka dhalinyarada ah ku gubay xaaskiisa.

Wararka hordhaca ee soo baxaya ayaa sheegaya in ninkaan xaaskiisa oo xaamilo aheyd uu qol kusoo xiray dabadeedna uu dab qabad siiyay.

Dad daris la ahaa guriga uu ninkaan gabadha ku gubay oo ku baxay qeylada gabadha iyo caruurteeda ayaa si deg deg ah ugu gurmaday gabadha la gubay oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac halis ah.

Haweeneydaan uu ninkeeda gubay ayaa magaceeda lagu sheegay Luul Cabdicasiis, taasoo haatan lagu daweenayo mid ka mid ah  isbitaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay in seygeeda uu u gubay arrimo la xariira Maseyr dartiis.

Ninka falkaan u geeystay xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamada Booliiska Saldhigga degmada Dharkeenley ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan ninka dhibka u geeystay qoyskiisa.

“Abbaare 10-kii iyo 25 daqiiqo ayaa waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd, sida aan xogta ku heleynana waxaa ku eedeysan oo falkaas geystay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaas" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Dhacdooyinkan naxdinta leh ee noocaan oo kale ah ayaa kusoo kordhaya dhulka Soomaalida oo aanan horay looga baran iney ka dhacaan.