4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu burburiyay gaari ay la socdeen horjoogayaal Shabaab ah
 

Axad, January, 28, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamiga ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.

Gaari ay la socdeen dagaalamayaal Alshabab katirsan oo halkaas marayay ayaa lagu burburiyay howlgal ka dhacay Deegaanka Cali Hayle.

Gaariga waxaa la socday horjoogayaal ka tirsan Alshabaab sida ay dowladdu sheegtay.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay, in saacadihii lasoo dhaafay la kordhiyay Howlgallada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo kooxda Alshabaab.

Dowladdu waxay sheegtay in la qaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogeyaal badan oo katirsanaa kooxda Alshabaaab.

Dowladda Maraykanku weli kama aysan hadlin weeraradan cirka ah oo ay la beegsadeen kooxda Alshabaab.

Weerarkii ugu horreeyay ee sanadkan uu Maraykanku fuliyo oo uu qirtay ayuu ka geystay gobolka Jubbada hoose, halkaas oo lagu beegsaday koox Shabaab ah.