5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2024
Xaalado bani'aadanimo oo laga soo sheegayo degmada Qansaxdheere
 

Jimco, January, 26, 2024 (HOL) - Waxaa aad looga soo deyrinaya xaalada nololeed ee dadka ku nool degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay oo wajahaya xaalado bani'aadanimo.

Maamulka degmada Qansaxdheere ayaa sheegay iney magaalada ay go'doon ku jirto mudo 12 sanadood ah, islamarkaana ay sii adkaan hayso nolosha dadka.

"12 sano ayay go'doon tahay degmada, daawada waxaa laga hela xarumo hay'adeed, cuntadana waxaa lagu keena Gaari Dameero, dhibkaas waxaa looga bixi kara in Al-shabaab lala dagaalamo oo go'doonka laga saaro magaalada" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere Cumar Maxamed Cali.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Qansaxdheere Cumar Maxamed Cali ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kan maamulka Koonfur Galbeed iney ka shaqeeyaan sidii degmada looga qaadi lahaa xaalada go'doonka ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay u go'doomisay deegaano iyo degmooyin badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.