5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2024
Xiriirka Kubadda Cagta oo dib u dhigay Ciyaarta Finalka ee Xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug
 

Jimco, January, 26, 2024 (HOL) - Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa mudo laba maalmood ah dib u dhigay Ciyaarta kama dambeysta ah ee Finalka tartanka kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ciyaarta Finalka ayaa qorshuhu ahaa in berito Sabti ah ay wada Ciyaaraan xulalka Galmudug iyo Hirshabeele, waxaana xiriirku uu shaaciyay in kulankaasi uu dhici doono maalinta Isniinta ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay 29-ka bishaan Janaayo.

Qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya laguma sheegin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo Ciyaarta Finalka ee berito dhici laheyd.

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in sababo la xariira adkeynta amniga dib loogu dhigay kulanka, maadama lafilayo in kulanka ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin sar sare.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoi baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya:-