5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2024
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Demeke Mekonnen oo is casilay
 

Jimco, January, 26, 2024 (HOL) - Demeke Mekonnen oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya, ahaana Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya sidoo kalena ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa isaga tagay xilalkii kala duwanaa ee uu Dowladda u hayay, sida ay tabisay Warbaahinta Dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale Dowladdu waxay sheegtay in Tamagen Teruneh oo ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Itoobiya isla markaana kamid ah xubinaha fulinta ee xisbiga Barwaaqo loo doortay ku xigeenka xisbiga Barwaaqo oo ah halkii uu baneeyay maanta Demeke Mekonnen.

Dowladdu wali faahfaahin intaa ka badan maysan sheegin, sidoo kale walina lama sheegin waxa laga yeelayo xilkiisii ku xigeenka Ra'iisal Wasaare iyo Wasiirkii Arrimaha dibadda, Dowladdu kaliya waxay ku gaabsatay in ku xigeenimadii xisbiga Barwaaqo loo magacaabay Tamagen Teruneh oo ay isku gobol yihiin ninka xilka baneeyay ee Demeke Mekonnen.

Is casilaadda Demeke Mekonnen ayaa imaanaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay shir ku jireen Golaha dhexe iyo gudida fulinta ee xisbiga Barwaaqo, kaas oo maanta go'aano kala duwan laga soo saaray.

Haddaba Demeke Mekonnen ayaa laga soo bilaabo 2012kii waxaa loo magacaabay Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, iyadoo 2022kiina xilkiisii hore loogu daray inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa sidoo kale gobolkiisa oo ah Axmaarada waxa uu xilliyo hore kasoo qabtay xilalka Wasiirka Waxbarashada iyo Komishinka Anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Demeke Mekonnen oo ah nin Muslim ah ayaa kasoo jeeda Qowmiyadda Axmaarada, waxaana jirtay in intii muddo ahaydba uu gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya uu ka jiro isku dhacyo xooggan oo u dhaxeeya kooxaha FANO oo ah kooxo hubaysan iyo Ciidamada Dowladda Itoobiya, isku dhacyadaas oo gobolkiisa ka dhigay mid aan degganayn oo dagaalladu joogto uga socdaan.

Masuulkan xilka baneeyay ayaa maanta hadal hayn badan ka dhaliyay Warbaahinta kala duwan ee dalka Itoobiya.