5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2024
Taliska Militariga gobolka Hiiraan oo faahfaahiyay howlgal khasaare geystay oo ka dhacay Baledweyne
 

Jimco, January, 26, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo Xalay ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan xaafada Buundaweyn.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa xaafadaas, islamarkaana ciidamada ay u suurtagashay iney dilaan mid ka mid ah xubnahii kooxda.

Waxaa sidoo kale howlgalka intuu socday ku geeriyooday qof shacab ah oo ay haleeshay rasaasta u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa, kaasoo ahaa nin ganacsade oo si weyn looga yaqiinay Baledweyne oo lagu magacaabi jiray Xuseen Shariif, waxaana sido kale ku dhaawacmay qofkale oo shacab ah.

Taliska ciidanka Militariga guutada 5-aad ee qeybta 27-Aad Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa warbaahinta u sheegay in xubin ka mid ah kooxda Al-shabaab lagu dilay howlgalka Xalay ka dhacay xaafada Bundaweyn, isagoona sheegay in xogta howlgalkaasi ay soo gudbiyeen bulshada Xaafaddaas.

" Way soo dhamaatay waqtiga dadka bulshada indhaha u ah inta la dilo la oran jiray wuu baxsaday iyo lama yaqaan. ninkaan howlgalka lagu dilay ee Al-shabaab ka tirsana waxa uu watay hub isugu jiray Bastoolad iyo Bambooyin uu doonayay inuu dadka ku dhibaateeyo" ayuu yiri Taliye Baakaay.

Taliye Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa ku bogaadiyay ciidamada amaanka degmada Baledweyne howlgalka Xalay ay ka fuliyeen xaafada Bundaweyn oo uu sheegay inuu u dhacay sidii loogu talo galay.