5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2024
NISA oo shaacisay magacyada horjoogayaal Al-shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday Galhareeri
 

Khamiis, January, 25, 2024 (HOL) - Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo kuwa saaxiibada Caalamka oo Xalay ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid duqeyn ah ayaa si gaar ah waxaa loola eegtay goobo kala duwan oo ay ku sugnayeen xubno isugu jira Horjoogayaal, Maleeshiyaad, Wariyaal iyo Farsamayaqaano kooxda u qaabilaan qaraxyada.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ay ku jiraan xubno ajnabi ah, islamarkaana lagu dhaawacay 20 kale.

"Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.

Degmada Galhareeri ayaa la sheegay iney haatan Al-shabaab u tahay Saldhiga ugu weyn oo ay ku leeyihiin gobolada Dhexe.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha Al-shabaab looga dilay duqeynta ee la shaaciyay:-