5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Wax ka beddelka Dastuurka dood dambe noogama furna
 

Khamiis, January, 25, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh ayaa caddeeyay in aysan dood dambe ka furnayn dastuurka Soomaaliya, isagoo difaacay go’aankii ay shalay labada aqal ee baarlamaanku ku meel mariyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay, wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka in ay dhaqan galayaan marka la gaaro dowladda soo soo socota. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho dastuur rasmi ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wax ka beddelka dastuurka uu soc0nayo illaa laga gaarayo in loo qaado afti dadweyne. Wuxuu sheegay dowladdiisu inay diyaar u tahay in qaddiyadaha taabanaya masiirka dalka ay kala  tashanayo cid kaste oo ay qusayso.

“Qaddiyadaha siyaasadeed ee wada xaajoodka u baahan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa ka wada xaajoonaya, barlamaanka ayay horkeenayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay dastuurka inta badan in uusan khilaaf ka taagnayn. isagoo tilmaamay in waxa khilaafku ka taagan yahay oo u baahan in laga heshiiyo ay yihiin arrimaha siyaasada.

“Haddii aan dhahno labo xisbi ayaan keenaynaa, waxaa nagu filan in la dhaho maya, labo xisbi naguma filma, saddex xisbi ama shan xisbi ayaan doonaynaa. Ma annagaa degreeto ku qorayna labo xisbi,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Hadalkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheikh ka sheegay magaalada Garowe oo uu maanta uga qeyb galay xafladda caleemo saarka madaxweyne Deni.