5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2024
Madaxweyne Biixi oo wasiir cusub u magacaabay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland
 

Khamiis, January, 25, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaarada gaashaandhiga, kadib markii uu wasiirkii hore ee gaashaandhigu dhawaan is casilay.

Madaxweynaha ayaa wareegto kasoo baxday madaxtooyada ku magacaabay wasiirka cusub" Waxaan go'aamiyay in Dr. Rooble Muuse Cabdi Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland" ayaa lagu yidhi wareegtada.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa dhawaan is casilay, kadib markii uu ku qanci waayay heshiiska is afgarad ee ay 1 April, yeesheen Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska badu uu yahay mid mad madow ka muuqdo, isla markaana isaga iyo deegaankiisuba ay kasoo horjeedaan, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Horyaal TV.

Madaxweynaha ayaa sidookale xilkii ka qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Waxbarashada Cabdixakiin Siciid Bustaale isagoo ku badalay Maxamuud Yuusuf Cilmi.