5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 25, 2024
Ku dhawaad 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Galgaduud
 

Khamiis, January, 25, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah oo Xalay ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa la tilmaamay in lala eegtay oo lagu burburiyay goobo ay ka mid tahay idaacadi kooxda Al-shabaab, guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka mid ah kooxda iyo geerash ay ku sameyn jireen gaadiidka qaraxyada fuliya.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal, wariyaal, maleeshiyaad iyo farsamayaqaano.

"Xalay saqdii dhaxe ayaa dhowr gantaal lagu burburiyay xarumihii ay dadka ka gumaadi jireen, waxaana dhulka lala simay Qalabkii warbaahineed ee kooxda Argagixisada ah, waxaana lagu dilay weriyaal iyo Horjoogayaal farabadan. waxayna Galhareeri xalay ay noqotay goob Argagixisada lagu baabi’yay." ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka.

Warka kasoo baxay Taliska xoogga dalka ayaa lagu sheegay in warbaahinta saacadaha soo socda lala wadaagi doono magacyada horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka xalay lagu dilay duqeynta lala eegtay ee kooxda ee ka dhacday Galhareeri.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.