5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2024
Xulka Kubadda Cagta Galmudug oo u gudbay Finalka tartanka Kubadda Cagta
 

Arbaco, January, 24, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaar aad u xiiso badneyd oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Banaadir iyo Galmudug.

Ciyaarta galabta dhexmartay Xulalka Kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug ayaa aheyd kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Xulka Kubadda Cagta dowlad goboleedka Galmudug ayaana galabta u suurta gashay iney iska xaadiriyaan Final ka tartanka, kadib markii ay galabta ka guuleysteen dhigooda Banaadir.

Ciyaarta oo aheyd mid adag ayaa waqtigii caadiga ahaa ee loogu tala galay ku soo dhamaatay goolal la'aan 0-0 ah, waxaana intaas kadib labada dhinac loo dhigay gool ku laadyo ay ku kala baxayeen, hayeshee Banaadir iyo Galmudug ayaa min shanti gool ku laad isku mariyay waayay, waxaana lagu sii daray gool ku laad dheerad ah oo suurta galisay in Galmudug shabaqa ku hubsato Banaadirna laga qabto.

Gabagabadii kulanka ka dambeysta ee tartankaan ayaa waxaa isku wajahaya 27-ka bishaan xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle.