5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2024
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, January, 24, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay degmada Wartanabada ee magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ayaa waxaa fuliyay ruux iskusoo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo la sheegay in ciidamada amniga iney dhaawaceen ka hor inta uusan is qarxin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah islamarkaana uu ku dhaawacmay  askari ka tirsan ciidanka ku sugna Isgoyska.

"Qof naftii Halige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ciidanka ammaanka ku joojiyeen inta u dhaxaysa isgoyska Cali Kamiin iyo Laba Dhagax. Shaqsigaan oo doonayay in uu dadka shacabka dhibaateeyo ayaa kaligiis ku haligmay qarixii ku xirnaa Ciidanka ammaanka oo dareemay dhaqdhaaqa Sharwadaha ayaa ka hor inta uusan Qarxin" ayaa lagu yiri war kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan xaaladu ay tahay mid degan oo uu dib u soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha Isgoyska Cali Kamiin oo mudo kooban hakad ku jiray.