5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 24, 2024
Madaxweyne Biixi oo markale faah faahiyay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya
 

Arbaco, January, 24, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Itoobiya kali ah  laga kirayn doono saldhig ciidan, lakiin aan deked laga siin doonin Somaliland.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay warbaahinta afka xukuumada ku hadasha, ayaa sheegay in Itoobiya ay isticmaali doonto dekeda Berbera, isla markaana ay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee Somaliland aqoonsada.

"Heshiisku waxa uu ku fadhiyaa in ciidankooda bada la siiyo saldhig ay dagaan, Itoobiyana ay noqoto tii u horaysay ee Somaliland ictiraafta, labadaasina ay mar wada dhacaan, labada qodob ayaa sal u ah, wixii kalena waa iskaashi" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in nay jirin deked kale oo ay Itoobiya ka dhisanayso Somaliland, lakiin ay isticmaali doonto dekeda Berbera, taasi oo sare u qaadi doonta dhaqaalaha Somaliland, dekeduna ay heli doonto suuq.

Waxa uu dhanka kale sheegay in anay jirin wax iskugu jira Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay yihiin dowlado kala nidaam iyo sharci duwan, adduunkana si kala madaxbannaan ula macaamila, isaga oo intaa ku daray in dowlada Soomaaliya anay heshiiskan meelna kasoo gali karin.

Madaxweynaha oo ka hadlay qaraarka Jaamacada Carabta ee ku aadan isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay aanu fahmin xuduudaha ay Carabtu sheegtay in ay difaacayaan iyo in xuduudaha Somaliland ku jiraan iyo in kale.

Waxa uu sheegay in xuduuda Somaliland ay tahay ta kali ah ee waafaqsan sharciga xuduudaha ee Afrika, isaga oo sheegay in anay jirin xuduud la sharciyeeyay oo u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, lakiin xuduuda Somaliland ay tahay ta kali ah ee sharci ah.

Waxa uu sheegay in waddamada gobolka ee dekedaha lihi ay u tartamayaan suuqa balaadhan ee Itoobiya, Somaliland na ay kamid tahay.