5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo si kulul uga horymid wax ka badalka Dastuurka
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid qorshe ay sheegeen in maalinta berito ah lagu doonayo iney labada Gole ee Baarlamaanka ku ansixiyaan wax ka badalka Dastuurka.

Xildhibaanada oo qaarkood arinkaasi ka shiray ayaa uga digay madaxda dowladda fedaraalka in xiligaan ay qaadaan talaabooyin aan loo baahneen, waxaana shirka Xildhibaanada kadib warbaahinta la hadlay Xildhibaan Maxamed Ibrahin Macalimu.

"Kulanka berito labada aqal loo balamiyay waxaan ku baaqeyna inaan dalka loo horseedin kala qeybtiisa, maadama shacabka ay hada neel uga soo wada jeedaan qadiyada iyo difaaca dalka, looma bahna in Datsuurka wax ka badal lagu sameeyo waqtigaan oo dalka meel xasaasi ah marayo, wax walba oo caqabad ah oo dalka ku yimaada masuuliyadiisa waxaa qaado doona madaxda dowladda" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibrahin Macalimu.

Shirka wadatashi ee Xildhibaanadaan maanta ay yeesheen ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Xildhibaanada labada Aqal maanta loo diray fariimo ku aadan iney si wadajir ah u soo xaadiraan beri Subax fadhi labada aqal ku yeelanayaan xarunta Villa Hargeysa.

“Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka” ayaa lagu yiri farriinta loo diray Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arinta la xariirta wax ka badalka Dastuurka ayaa waxaa sidoo kale si weyn uga horyimid qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo madaxda sare ee dowladda ugu baaqay ineysan qaadin talaabo kala fogeyn karta midninada dadka Soomaaliyeed.