5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Boosaaso
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday. Lix lalena way ku dhaawacmeen qarax galabtay ka dhacay magaalada Boosaaso ee  gobolka Bari.

Qaraxaan ayaa ka dhacay goob lagu qayilo oo kutaala xaafadda Tuurta ee magaalada Boosaaso. Lama oga cidda ka dambeysay qaraxaan lala beegsaday goobtaas.

Qaraxaan ayaa wuxuu ahaa miino goobta lagusii qariyay sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah oo ay la xirirtay HOL.

Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa. Sidoo kale waxaa jiray askar ciidanka Puntland katirsan oo badi halkaas fariista.

Qaraxan ayaa yimid maalin kaddib markii laamaha amniga iyo madaxda gobolka Bari ay ka Shireen sidii wax looga qaban lahaa qaraxyada kusoo badanaya  Boosaaso.

Laamaha amniga waxay ku eedeeyeen Shabaab iyo Daacish inay ka dambeeyaan qaraxyada magaalada Boosaaso.