5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Xulka Hirshabeelle oo iska xaadiriyay Finalka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaar xiiso badan oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Xulalka Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa wada ciyaaray kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad gobolewdyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa 90-ka daqiiqo ee loogu talo galay waxa uu kusoo dhamaaday bar bar dhac ebar iyo eber ah, waxaana inta kadib labada dhinac lagu kala saaray gool ku laadyo cidii ku awood roonaado ay ugu gudbeyso Finalka tartankaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle ayaana ku guuleystay gool ku laadka, kadib markii shabaqa ay ku hubsadeen 5 gool ku laad halka Jubbaland ay shabaqa ku hubsatay 4 gool ku laad, sidaasna ay guusha ku raacday Hirshabeelle.

Hirshabeelle ayaa haatan sugeysa iney kulanka kama dambeysta ah kula tartanto xulkii maalinta berito ah guul ka gaaro kulanka darbiga ah ee u dhaxeeya Banaadir iyo Galmudug.

Tartankaan ayaa waxaa todobaadyo ka hor isaga baxay xulkii matalayay Koonfur Galbeed oo lagu weeraray gudaha Muqdisho, waxaana sidoo kale horay aanan uga soo qeyb galin tartanka maamulada Puntland iyo SSC Khaatumo.