5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Mareykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka geystay gobolka Jubbada Hoose
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Mareykanka ee loo yaqaano Africom ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn diyaaradaha Mareykanka la beegsadeen goob ay isku aruursanayeen kooxda Al-shabaab oo ku taala Jubbada Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta ay maalin ka hor ka dhacday deegaan dhanka Waqooyi bari kaga beegan magaalada Kismaayo ilaa 45KM.

Africom ayaa sheegtay in duqeynta ay timid kadib codsi uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana ay aheyd mid is difaacid ah oo dhacday laba jeer.

Warka kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africom laguma sheegin inta uu dhan yahay khasaaraha kooxda Al-shabaab kasoo gaartay duqeynta, hayeshee waxaa lagu cadeeyay ineysan wax khasaare ah kasoo gaarin duqeyntaas dad rayid ah.

Warsaxafadeedka Africom ayaa imaanaya, iyadoo maalin ka hor dowladda Soomaaliya ay shaacisay in duqeyn ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo ciidanka Cirka ee dowladda Mareykanka oo ka dhacday meel u dhaw Kismaayo lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ciidamada Soomaaliya ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu bartilmaameedsanayo kooxda Al-shabaab.