5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2024
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Magaalooyinka Lewiston-Auburn iyo Portland ee Gobolka Maine maxay ka yiraahdeen Arrintaan Badda
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Hishiiskii  hor u dhaca ahaa ee ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyey cabsi iyo xiisad siyaasadeed oo gilgishay dhamaan gayiga iyo dalalka ay Soomaalidu u hayaantay ee dunida iyadoo arigtiyo fara badan laga muujiyey.

Taariikhda dheer ee Itoobiya ay ku doonayso in mar uun ay hesho badd ayaa u asal ah in badi dadka Soomaaliyeed ay ka horyimadaan hishiiskaas is afgaradka ee lagu sheegay in saldhig ciidamo laga hirgalinayo magaaladda Lughaye ee xeebta badda cas ku taal oo ciidamada Itoobiya fadhiisin u noqon doonta sanado.

Qurba joogta ayaa magaalo walba ku qabtay qaarna qabanqaabadoodu socotaa isku soo baxyo iyo shirar kala duwan oo ay arintaas uga soo horjeedaan ,iyagoo mar walba qaba in Itoobiya ay tahay dal cadow ah horena u haystay dhul Soomaaliyeed mar walbana la sheego in siyaasada dalka ay ka dagi la dahay damacooda dhul & baddeed oo ay ka lee yahiin dalka Soomaaliyeed.

Macalin Cabdulahi Cabdi ayaa HOL u sheegay in dadka dagan Gobolka Maine ee Soomaaliyeed oo cid walba isagu jirta ay isla qabaan hal fikrad oo ah in taako ka mida dhulkooda aan lagu badalin karin damac siyaasadeed oo xaqiiq ku dhisneen, ma jirto aduunka dad dhul iyo badd toona ku badashay aqoonsi aan run ahayn dhaxalkii ubadkooda iloobay ayuu yiri Coach Cabdulaahi. Waxaa kulankaan khudbaddo kala duwan ka soo jeediyey aqoonyahanada gobolkaas oo ka hadlay qiimaha dhulka hooyo iyo siday muhiim u tahay difaacida iyo ka hor imaanshaha damaca Itoobiya ku rabto dhulka iyo badda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa dadkii aadka uga hadlay arintaan Prof Saciid Ciise Maxamuud oo ka mida hogaamiyaasha & aqoonyahanka Lewiston , Dr Cabdulahi Axmed oo Portland dagan,Cabdiraxmaan Cismaan oo waxgaradka Portland ka tirsan,Sh Saalax Maxamuud oo imaamka ah masaajidka Lewiston Auburn oo aad uga hadlay waajib in ay tahay in arimahaan si guud looga horyimaado,Dr Cabdifataax Axmed oo isaguna ka mida waxgaradka iyo Aqoonyanada ku tilmaamay hishiiskaas mid aan laga fiirsan lana turxaan bixin oo qatar wayn xabaarsan, dhanka haweenka ayaa iyagana waxaa khudbad qiiro leh ka jeedisay kulanka Ifrah Maxamed oo dagan Lewiston.

Dhalinyarada ayaa iyaguna ka hadlay kulankaan Maxamed Kaalid ayaa yiri dalkii ma joogno lakiin waxa baraha bulshada ka aragnay kana maqlay ayaa na dhibaya Itoobiya waxaan lee nahay ka joog baddeena iyo dhulkeena, ugu danabyntiina Cabdulahi Mire ayaa isaguna ka codsaday jaaliyadda in kuamada noocan oo kale oo mideeynaya dadka in la joogteeyo ilaa inta Itoobiya iyo Somaliland ay hishiiskaas hor u dhaca ah ay laalayaan.

Ugu danayntiina Jaaliyaddu waxay halkaas ka aqriyeen war murtiyeed ay ku cadeenayaan in ay taageero buuxda uga soo horjeedaan in lagu xadgudubyada Itoobiya ku sameeysay madaxbanaanida dhulka Soomaaliyeed , ayna taageero u hayaan go'aanka dowladda Soomaaliyeed ka qaadatay arintaan.

Siyad S Salah,
Hiiraan Online