5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Golaha Wakiilada Somaliland oo sharci jabin ku tilmaamay xeerka uu mdaxweynuhu ku celiyay Golaha Guurtida
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci jabin ku tilmaamay xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91 oo uu madaxweynuhu dib ugu celiyay Golaha Guurtida.

Golaha Wakiilada ayaa sheegay in talaabada uu madaxweynuhu xeerka dib ugu celiyay ay tahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha.

"Waxaanu halkan ku caddaynaynaa in qoraalka celinta xeerarka sare ku xusan ee uu Madaxweynaha JSL u gudbiyay Golaha Guurtidu uu yahay mid aan waafaqsanayn qodobka 78/3 oo caddaynaya in madaxweynuhu uu xeer ku celin karo kaliya Golaha Wakiilada".

Xisbiga Waddani ayaa isagu shalay aad uga soo horjeestay talaabada uu madaxweynuhu xeerka dib ugu celiyay Golaha Guurtida, dhinaca kale xisbiga UCID, ayaa ku baaqay in golayaasha sharci dajintu ay isku waafaqaan xeerka.

"Ha la joojiyo hadalada  xanafta leh ee miidiya la isku marinayo, labada shirgudoon  ee labada aqal ha wadda fadhiistaan, kadibna xeer ka qaybyada ah ha la isla eego, nuqol la isla ogalyahay ha laga so saaro" Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sida ku taliyay.

Madaxweynaha ayaa xeerka dib ugu celiyay Golaha Guurtida kadib markii golayaasha guurtida iyo wakiiladu ay ku kala aragti duwanaadeen qodobada qaarkood.