5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Maxamed Yaxya oo Soomaaliya u dhashay oo loo magacaabay Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Pakistan
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay  Maxamed Yaxya inuu noqdo Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Pakistan, iyadoo ay ogolaatay dowladda martida loo yahay ee Pakistan.

Yaxye waxa uu xilka la wareegay 21-kii Janaayo, waxaana uu sidoo kale noqon doonaa isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee dalkaas.

Maxamed Yaxya oo Soomaaliya u dhashay ayaa in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah u leh horumarinta iyo nabadaynta. Kahor magacaabistiisa, waxa uu ahaa Wakiilka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ee Nigeria, isagoo mid ka mid ah hay'adaha UNDP ee qaaradda Afrika.

Waxa uu ka soo shaqeeyay Isuduwaha Barnaamijka Gobolka Afrika ee UNDP ee fadhigeedu yahay Addis Ababa, halkaas oo uu mas'uul ka ahaa dadaallada horumarineed ee gobolka ee lagu taageerayo Midowga Afrika iyo Ururada Dhaqaalaha Gobolka ee Afrika.

Markii hore, Maxamed Yaxya waxa uu UNDP u soo qabtay xilal ka soo kabashada colaadaha ka dib, isaga oo taageerayay howlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan iyo Laybeeriya, iyo sidoo kale isku duwaha qorshaha wadajirka ee Qaramada Midoobay ay ka samaysay maareynta kheyraadka dabiiciga ah.

Kahor inta uusan ku biirin UN-ka, waxa uu u shaqeeyay sidii lataliye sare oo dhanka dhisida nabada ee hay'adda aan dowliga ahayn.