5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Maleeshiyaad hubeysan oo afar ruux ku dilay duuleedka magaalada Dhuusamareeb
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Faragooy oo qiyaas ahaan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug u jirta 20KM ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay afar ruux oo shacab ahaa.

Afarta ruux ahaa ayaa dhamantood ahaa rag dhalinyaro ah, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysan oo goobta isga baxsaday.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dilka loo geystay afarta dhalinyarada ah inuu yahay mid la xariiro aar goosi aano qabiil ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, kuwaas oo howlgalo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dilka geystay ka wada deegaanka iyo nawaaxigiisa.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan falka dilka ah iyo howlgallada ay wadaan ciidanka.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa inta badan ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaas oo ku soo laa laabtay marar badan deegaanada maamulka Galmudug.