5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2024
Itoobiya oo dhaleecaysay jawaabta beesha caalamku ka bixisay is-afgaradka Somaliland
 

Talaado, January, 23, 2024 (HOL) - Iyada oo ay sii xoogaysanayso xiisadda Geeska Afrika, Itoobiya waxay dhaleecaysay falcelinta beesha caalamka ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee ay dhawaan la gashay Somaliland.

Redwan Hussien, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa ku eedeeyay jileyaal caalami ah oo aan la magacaabin inay cadow ku yihiin Itoobiya iyagoo ku gabanaya inay taageerayaan Soomaaliya.

“Iyadoo ay xaqiiqadu sidaas tahay, haddana jilayaasha qaarkood oo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin xilliyadii ay baahidu jirtay, waxay isku dayayaan inay isu muujiyaan inay saaxiibo dhab ah yihiin, balse waxaa cad in waxa ku dhiirri-gelinaya aysan ahayn Soomaaliya, balse ay tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya. "ayuu yiri Redwan Hussien.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan dhaleecaynta caalamiga ah ee loo jeedinayo heshiiska is-afgaradka ah, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay 20 KM oo kamid ah xeebaha Somaliland ay hesho.

Todobaadkii hore raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa xaqiijiyey in maamulkiisu uu wajahayo cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in la joojiyo  heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Itoobiya ayaa sidoo kale ku gacan sayrtay dalabkii Jaamacadda Carabta ee ahaa inay Itoobiya burburiso heshiiskii ay la gashay Somaliland.