5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 22, 2024
Somaliland oo ka hadashay walaaca Masar ee is afgaradka Somaliland iyo Itoobiya
 

Isniin, January, 22, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa ka digtay faragalinkasta oo dibadeed oo lagu sameeyo is afgaradka badda ee ay la gaadhay Itoobiya, iyada oo boorisay in khilaafkasta lagu dhameeyo wadahadal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda.

"Xaaladaha baryahan taagnaa awgood, waxaanu markale hoosta ka xariiqaynaa sida ay Somaliland uga go'antahay in arrimaha gobolka lagu xaliyo wadahadal iyo iskaashi, waxa kale oo aanu hoosta ka xariiqaynaa in in aanu meel adag ka taaganahay faragalinkasta oo dibadeed oo lagu sameeyo isfahamka Itoobiya iyo Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka oo si gaar ah loogaga hadlay dalka Masar, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay qadarinayso xidhiidhka kala dhexeeya Masar, ayna ku boorinayso in ay si togan uga qaybqaadato daganaanshaha iyo iskaashiga gobolka, isla markaana ay tahay dowlad wax wayn ka tari karta xalinta dhibaatooyinka taagan sida colaadaha Sudan, Qasa iyo meelo kale.

Somaliland waxay sheegtay in ay dareemayso walaaca dowlada Masar, isla markaana ay doonayso in ay ula shaqayso si wanaagsan oo wax dhis leh, ayna aaminsantahay hadii ay iskaashadaan in ay wada gaadhi karaan barwaaqo, waxayna intaa ku dartay in ay si ixtiraam leh ula shaqaynayso dowlada Masar.

Waxa uu qoraalku intaa ku daray in Somaliland ay sii wadi doonto xidhiidhada dibulumaasiyadeed ee ay la yeelanayso dowladaha caalamka, sidookalena ay door ka ciyaari doonto iskaashiga, daganaanta iyo horumarka gobolka.

Madaxwaynaha dalka Masar Abdelfatah Al Sisi ayaa kulan uu dhawaan la sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u balan qaaday garab istaag, xili xiisada ka dhex taagan Itoobiya iyo Soomaaliya ay sarayso.