5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 22, 2024
Farmaajo oo si adag uga hadlay qorshe la xariira wax ka badalka Dastuurka
 

Isniin, January, 22, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu ka walaacsan yahay qorshaha wax ka badalka Dastuurka.

Farmaajo ayaa sheegay inaan loo baahneyn xiligaan dib u soo celinta dooda la xariirta wax ka badalka Dastuurka oo u tilmaamay iney keeni karto qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara midnimada shacabka Soomaaliyeed ay kaga hortagayaan damaca cadawgooda.

"Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda" ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda Fedaraalka in dadka Soomaaliyeed ay u jiheyan sidii ay u difaaci lahayeen midnimada iyo qaranimada dalka.

"Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna" ayuu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warkaan kasoo yeeray madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in maalmaha soo aadan la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya dood la xariirta wax ka badalka Dastuurka.