5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 22, 2024
Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay taageerada dalalka Caalamka ee qadiyada Soomaaliya

Isniin, January, 22, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay teegeerada iyo garab istaaga ay u muujiyeen inta badan dalalka Caalamka.

In ka badan 120 dowladood ayaa si rasmi ah u taageeray qadiyada Soomaaliya ee ku aadan dhowrista madax banaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Dalalka Caalamka intooda badan ayaa si weyn uga horyimid heshiiskii bilowgii bishaan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itobiya ee la xariiray in Itobiya ay hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, taas badal keedana ay Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.

"Waxay si gaar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u xuseysaa dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah, kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi" ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in damaca Itoobiya uu yahay mid ay dooneyso iney ku wiiqdo horumarka guulaha dowladda Fedaraalka ay ka gaartay dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab iyo mid ay qatar ku galineyso amniga gobolka iyo kan Caalamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxii ka dambeeyay heshiiskii Itoobiya ay Addis Ababa kula gashay bilowgii bishaan Somaaliland sameeysay dadaalo diblumaasiyadeed oo kaga hortageyso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-