5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 22, 2024
Madaxweynaha Somaliland oo xeerka doorashooyinka dib ugu celiyay Golaha Guurtida
 

Isniin, January, 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91 dib ugu celiyay Golaha Guurtida.

Madaxweyne Biixi oo xeerkan losoo gudbiyay kadib markii ay Golaha Wakiiladu ka saareen wax ka badal ay Golaha Guurtidu ku sameeyeen, ayaa maanta markale xeerka dib ugu celiyay guurtida.

Mucaaradka Somaliland ayaa sugayay in Biixi uu si deg deg ah u saxeexo xeerka, lakiin waxa la sheegaya in ay ku jiraan qodobada qaarkood oo aan wali lagu wada qanacsanayn inkasta oo xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay mucaarad iyo muxaafad-ba cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

“Kol hadii Xukuumadii Muuse biixi sharci loogu taag waayey ,waxaanu u sheegeynaa shacabka sharci darro inagu xukumi maayo, nina taagtii,nina tamartii.” Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada, oo ka cadhooday xeerka dib loo celiyay ayaa sida ku baahiyay bartiisa Facebook.

“Kursiga dalka waxa loogu fadhiyi karaa hab sharci ah oo dastuurka Waafaqsan,sidaas baana lagu gaadhi karaa helistiisa" ayuu Khayreeye hadalkiisa sii raaciyay.

Inkasta oo xildhibaanada Golaha Guurtidu ay ku kala qaybsameen diidmada uu Golaha Wakiiladu meesha kaga saaray wax ka badalkii ay ku sameeyeen xeerka hadana Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in xeerkaasi uu guurtida dhaafay.