5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 22, 2024
Qaramada Midoobay oo ku boorisay Itoobiya iyo Soomaaliya inay wada hadlaan si loo xalliyo khilaafkooda
 

Isniin, January, 22, 2024 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay Addis Ababa iyo Muqdisho inay furaan wada hadal ay ku xalinayaan murankooda ku saabsan heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ee dhaca Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayni uu heshiis la galay Somaliland 1-dii January, heshiiskaas oo sheegaya inay bad ka hesho marinka badda Cas.

“Mar walba waxaa na haga mabaadi’deenna, mabaadi’deenna waxay la xiriiraan midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka ay Soomaaliya ku jirto,” ayuu Guterres ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo Shiinaha ee caasimadda Uganda.

“Waxaan rajeyneynaa in wadahadal looga gudbo xaaladda taagan,” ayuu yiri Guterres.

Hadalkiisa ayuu ku daray baaqyada ay hormuudka ka yihiin Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee ku aaddan in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska badda ku tilmaantay fal gardaro ah oo ay Itoobiya qaadday.

Sida ku cad heshiiska Somaliland waxay ogolaatay in 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ka mid ah laga kireeyo muddo 50 sano ah Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.